Duqaymo ba'an oo lagu xasuuqay dad shacab ah oo ka dhacay gobolka Tigray.

Wednesday September 30, 2026 - 11:08:24
MeMO Staff
Duqeymo culus oo ay ciidamada dowladda Itoobiya ka fuliyeen magaalooyin ka tirsan gobolka Tigray ayaa sababay khasaare badan oo soo gaaray dada rayid ah, iyadoo cisbitaalka Ayder ee Mekelle uu sheegay inay soo gaareen 44 qof oo qaba dhaawacyo culus, kuwaas oo 33 ka mid ahi yihiin carruur.
Duqeymaha ayaa si gaar ah uga dhacay Maichew iyo Alamata intii u dhexeysay Sabtidii iyo Isniintii. Dhaawacyada waxaa ka mid ahaa dad si xun u gubtay, dhaawacyo culus oo xubnaha jirka ah, iyo xaaladaha qaarkood oo sababay in bukaanno xubno laga jaro.

Shaqaalaha caafimaadku waxay sheegeen in afar qof ay dhinteen intii lagu sii waday cisbitaalka. Dadka deegaanka Maichew waxay sheegeen in magaalada lagu duqeeyey lix jeer, iyadoo weerarradu ku dhaceen goobo ay dadku deggan yihiin.

Sidoo kale cisbitaallada ku yaalla magaalooyink Korem, Alamata iyo Shire ee gobolka Tigray ayaa dhowr maalmood gudahood qaabilay in ka badan 720 qof oo ku dhaawacmay dagaallada, sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka ee MSF.

Waxa kale oo MSF ay sheegtay in xaaladda caafimaad iyo bani’aadantinimo ee ka jirta gobollada ay dagaalladu ka socdaan ee Tigray-ga, Amxaarada iyo Canfarta ay aad u walaac badan yihiin, kaddib markii dagaalladu sii xoogeysteen.

Kooxaha caafimaadka ayaa kordhiyay gurmadka degdegga ah, qalliinnada iyo daaweynta dhaawacyada, balse kororka dadka dhaawacmay iyo carqaladaha ka dhashay dagaallada ayaa cadaadis weyn saaray isbitaallada iyo awoodda gurmadka caafimaad.

Related Items

Update cookies preferences